Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo wakiillada beesha caalamka kala shiray xaaladda abaaraha dalka, ayaa ku boorriyay in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso. Rooble ayaa u mahadceliyay Hay’addaha iyo dalalka gurmadka usoo fidiyay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen,waxa uuna xusay in baaxadda abaarta iyo baahida jirtaahi ay aad uga weyn tahay inta lala soo gaaray. ”Mahad gaar ah ayaan u jeedinayaa dalalka iyo hay’adaha ilaa hadda gurmadka nala soo gaaray, waxaanse caddeynayaa in baaxadda abaarta iyo baahida jirtaahi ay aad uga weyn tahay inta na soo gaartay iyo itaalka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxaan mar kale caalamka ka codsanayaa in deg deg loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso, si looga hortago macalluul keenta geeri wadareed iyo xaalad bani’aadminimo oo ay adagtahay in wax laga qabto.” ayuu yiri Rooble. Ra’isul Wasaare Rooble ayaa markale ugu baaqay Hay’addaaha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed in ay gacan ka geestaan u gurmadashada dadka Soomaaliyeed ee abaarta xooggan ku saameesay qeybo kamid ah dalka.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP Haweeney umul ah iyo canugeedii ayaa dhintay kadib markii Ruushka uu duqeeyay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Mariupol halkaas oo ay hooyadu u tegtay inay ku soo umusho, .
Sawirro la baahiyay kadib weerarka ayaa muujinayay, haweeneyda oo ku jiifta sariirta isbitaalka, waana mid kamid ah khasaarihii ugu weynaa ee ka dhacay Ukraine.
Hooyada ayaa qalliin ku dhashay canuga Sabtidii balse dhakhaatiirta ayaa xaqiijiyay in hooyada iyo canugeeda ay dhinteen.
Saraakiisha Ruushka ayaa ku andacooday in isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Mariupol ay la wareegeen kooxo xagjiriin ah oo saldhig ka dhigtay halkaas isla markaana isbitaalka uusan hadda u shaqeyneynin sida goob caafimaad.
Saraakiisha Ukraine ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay hadalka Ruushka, waxay ku eedeeyeen Ruushka in uu galay dambi dagaal.