Previous Story
Raisul Wasaare Rooble oo caawa Isbitaalka ku booqday dhaawaca Macalimu (Sawirro)
Posted On 17 Jan 2022
Comment: 0
Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimu oo ku dhaawacmay qarax maanta lala beegsaday.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macallimu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg ah.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda, iyagoo xusay in dhaawaca afhayeenku uu yahay mid aan halis aheyn ayna ku dedaali doonaan baxnaaninta xaaladiisa.