Previous Story
Alshabaab oo Ka Dhex Dagaalamaya Gudaha Hotel Elite ee Muqdisho
Posted On 16 Aug 2020
Comment: 0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay toogtaan laba kamid ah kooxihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Wararka ayaa sheegayo in laba kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay weli ku jiraan qeybta sare ee Hotel Elite halkaas oo ay kasoo ridayaan rasaas iyo waxyaabaha qarxo.
Ciidamada Dowladda ayaa ku howlan sidii ay usoo badbaadin lahaayeen dadka ku jiro gudaha Hotelka oo isugu jiro kuwa Shacab ah iyo Shaqaale ka tirsan Dowladda Soomaaliya.Dadka dagan agagaarka Xeebta Liido ayaa sheegayo inay maqlayaan rasaas culus oo u muuqato inay tahay mid ay is dhaafsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kooxdii hubeysneyd ee weerarka soo qaaday.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay Hotel ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Dowladda markii uu weerarka bilaabanayey.
Inta la xaqiijiyey ku dhawaaad 17 qof ayaa ku geeriyooday ilaa 30 kale waa ay ku dhaawacmeen weerarkaas ay Al-Shabaab sheegatay oo lagu qaaday Hotel Elite.