Ciidamo Wata Bajaaj kuna Labisan Dharka Baliiska oo Billabay inay Mobeelada Shacabka Muqdisho ka Dhacaan

Warar naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Caasimada Muqdisho uu bandoowga ka hirgalay taas oo looga gol leeyahay si looga hortago faafida cudurka Corono Viruska.
Haddaba dhanka kale Shacabka Muqdisho ayaa waxay wajahayaan in Ciddamo ku labisan Dareeska Booliska oo Bajaaj wato inay ka dhacaan Mobeelada shacabka Muqdisho ku nool gaar ahaan Degmada Wardhiigleey iyaga oo baaranaya kana qaadanaya wax ala waxay wataan lacag ama Mobeelada Qaaliga ah.
Dowladda Soomaaliya , madaxda Gobolka Banaadir waa inay wax ka qabtaan dhacaas bilaawday iyada oo ciidamada Bajaaj wato dadka dhacaya oo istaajinaya, Shacab badan ayaa la soo sheegayaa in xalay dad badan laga dhacay Mobeeladooda iyo lacaga ay wateen taas oo sharaf dhac ku ah Dowladda iyo Gobolka madaxdooda.
Shacabka oo soo dhaweeyey oo aqbalay awaamiirta dowladda kasoo baxay laakiin badelkeeda ma ahan inay ciidan Bajaaj wato ay istaajiyaad oo dhacaan shacabka Muqdisho, haddaba waxaa ay shacabka ugu baaqayaan dowladda Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada Bandoowga kusoo rogay inay wax ka qabtaan dhacaan Mobeelada ku bilaawday Shacabka Muqdisho