Booliska Kenya oo qabtay rag looga shakiyay inay weerari rabeen Xero ay leeyihiin Ciidamada Britain
Posted On 07 Jan 2020
Comment: 0
Mjournal :-Booliska magaalada Nanyuki Gobolka Laikipia ee bartamaha dalka Kenya ayaa fiidnimadii Axadii qabtay seddex nin oo looga shakisan yahay argagixisinimo, xilli ay isku dayeen inay xoog ku galaan xero milatari oo Ciidamada Britain ku sugan yihiin, taasoo aad loo ilaaliyo.