Previous Story
Gudoomiye kuxigeen caawa lagu dilay Jowhar
Posted On 07 Jun 2019
Comment: 0
Mjournal :-Wararka naga gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen Gudoomiye kuxigeenkii degaanka Gamboole.
Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdirashiid Xaaji Maxamed.
Dilka ayaa dhacay Salaadii maqrib ka dib sidda ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.
Kooxihi dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidanka dowladda Soomaaliya ee booliska, islamarkaana waxa ay bilaabeen baaritaano.