Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Afgooye
Mjournal :-Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lala beegsaday kolonyo ciidan oo marayay agagaarka Koontaroolka Baar Ismaaciil.
Sida wararku sheegayaan kolonyadan ciidan ee la weeraray ayaa ahaa ciidamo uu tababaray Mareykanka oo la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Garoonka Balli-doogle, halkaasoo saldhig ay ku leeyihiin.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxa ismiidaamiinta oo ahaa mid aad u xooggan.
Gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa kaxeynayay ruux naftii hure ah oo beegsaday kolonyada ciidan.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka ismiidaaminta oo maanta duhurkii ka dhacay Koontaroolka Baar Ismaaciil ee afaafka hore ee degmada Afgooye.