Aqalka Sare Xildhibaano Ka Mid ah oo Qeyb ka noqday Xildhibaanada Tageersan Jawaari oo Xalay War Murtiyeed Soo Saaray
Mjournal :-War murtiyeed ay soo saareen Aqalka sare xildhibaano ka mid iyo xildhibaano tiradooda yar tahay ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Shirka uu ahaa sidii xal loogu heli lahaa ayaa garabkii xildhibaanada taageersanaa Jawaari u badalay mid siyaasad ahaan looga soo horjeedo xildhibaanada mooshinka ka keenay Jawaari. haddaba war murtiyeedka kasoo baxay ayaa sheki geliyey shacabka Soomaaliyeed oo sugayey in cod loo qaado gudoomiye Jawaari haddii uu helo cod uu kusii jooga kursiga gudoomiyenimo ama xilka gudoomiyenimo baarlamaan kuwaayo.
Sida lawada ogsoon yahay waxaa jira maalmahaan xerig jiid siyaasadeed oo u dhaxeeya Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari iyo Ra,isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Kheyre, taasoo sababtay in xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka keeneen gudoomiye Jawaari . Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inta mooshinka saxiixday oo ka badan 107 xildhibaan oo soo jeedisay in Jawaari xanibay howlihii baarlamaanka u haayey shacabka Soomaaliyeed oo uu hor istaag ku sameeyey dhamaan sharuucdii iyo shaqadii baarlamaanka laga doonayey inay fuliyeen isaga oo hor istaag ku sameeyey in la dhameeystiro dastuurka Soomaaliya.
Haddaba shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay isweydiinayaan Xubno Aqalka sare ka mid ah inay war murtiyeed siyaasadeesan ugu qeyb galaan shirkasocday Villa Hargeysa oo ay ku lahaayeen xubno taageersan gudoomiye Jawaari oo gaarayey 20 labaatameeyo