Previous Story
Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho
Posted On 28 Mar 2018
Comment: 0
Mjournal :-Gaari waxyaalaha qarxa lagu soo xirey ayaa goordhow ku qarxay meel ku dhow isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho iyadoo qaraxaasina ay ka soo baxayaan warar kala duwan.
Qaraxan ayaa wararka qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay gaari lagu soo xirey waxyaalaha qarxa kaasoo ay saarnaayeen shaqaale u shaqeeya mid ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka.
Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa balse wararka qaar ayaa sheegaya in labo ruux oo saarneyd gaariga qarxay ay ku dhaawacmeen.