Madaxweynaha America oo Sheegay Inuu La Kulmayo Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya
War kasoo baxay Aqalka Cad ee looga taliya dalka America ayaa la sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu lakulmaya madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Waqti walba, laakiin uu sharuud kuxiray Waqooyiga Kuuriya haddii ay baa,bi,inayso hubkeeda sida weyn wax u gumaado ee Nuclierka, waxaa uu intaas sii raaciyey in cunaqabteeynta sii jirayso.
Kim Jong Un madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay inuu wadahadaladii uu la yeeshay wafdi ka socday Koofurta Kuuriyada in si kumeel gaar ah ay ujoojinayaan tijaabadii Gantaalaha ee Nuclierka laakiin aynaan burburinaynin hubkeeda Nuclierka ah.
Madaxweynaha America ayaa ku dhawaaqay bartiisa Tuwiitarka kuna sheegay inay suurta gal ahayn wadahadalada Americanka iyo Waqooyiga Kuuriya tijaaba joojin Gantaalada Nuclierka hase ahaatee ay tahay burburinta hubka Nuclierka ay leedahay Waqooyiga Kuuriya.