Bishan aynu ku jirno ee Febraayo 14-keeda ayaa waxaa meelo badan oo dunida ka mid ah, Soomaaliyana ay ku jirto looga dabaaldegayaa maalinta Jacaylka adduunka oo ah maalin ay xusaan dad aan Islaam ahayn.
Haddaba waxaa isweydiin leh maalintaasi ma mudan tahay in loo dabaaldego?, dadka qaar ee u dabaaldegayna aqoon ma u leeyihiin maalintaas iyo ujeeddada loo asteeyay?, mise dameeri dhaan raacday oo kale ayuu xaalkoodu ahaa oo waa loo dabaaldegaaye isaga dabaaldega ayay ka tahay?.
Dad badan oo sheeganaya muslimiin ayaa u dabaaldega maalintaas iyagoon wax aqoon ah u lahayn, balse waxaan u sheegayaa dadkaasi in ay xuseen una dabaaldegeen nin gaal oo baqtiyay oo weliba falal anshax xumo ah ku kici jiray muddadii uu noolaa.
Ninkaas Gaalka ah ee la xuso 14-ka Febraayo kasta waxaa la oran jiray Valentine, waxayna dadka taariikhdiisa yaqaana sheegaan in qarnigii Saddex iyo Tobanaad, dhalashadii Nabi Ciise (CS) kadib uu ka amar diiday Hoggaamiye la oran jiray Calodis oo xilligaas ka talin jiray dalka Talyaaniga, wuxuuna hoggaamiyahaasi amar ku siiyay dhammaan dhalinyarada dalkaas in aysan guursan karin isagoo ku amray inay ka qeyb qaataan dagaal uu dalkaasi ku jiray, laakiin Valentine amarkaasi wuu ka soo horjeestay oo wuxuu u arkayay amar xaqdaro ah, wuxuuna dhalinyaradii loo diiday is guursiga uu bilaabay inuu si hoose isugu xareeyo, isagana wuxuu sameeyay inuu dumar badan xareysto oo uu kula kaco falal anshax xumo iyo tumashleyn uu ku haqab tirayay baahidii jinsiga.
Falkaas foolxumada ah ee uu ku kacay Valentine ayaa waxaa ka war helay Hoggaamiyihii ka talinayay dalka Talyaaniga, wuxuuna amray in la xabiso, muddo kadibna wuxuu ku xukumay daldalaad.
Sida ay sheegaan dadka taariiqdiisa wax kala socda xilligii uu xabsigi ku jiray ayuu Valanteni Jaceyl xaad dhaaf ah u qaaday gabar dhalinyaro ahayd oo uu dhalay ninkii xabsiga ka talinayay, gabadhaas oo mar ku soo booqatay xabsiga, wuxuuna u qoray waraaq jacayl ah oo uu cinwaan uga dhigay “Ka socoto Valentinkaagii”, taasoo laga helay qolkii uu ku xirnaa Valentine kadib markii la daldalay.
Maalintaas oo ku beegnayd 14-kii Febraayo 271-sano dhimashadii Nabi Ciise kadib ayaa dhalinyaradii uu sida qarsoodiga ah isugu geyn jiray waxay go’aanmiyeen in la xuso, loona asteeyo maalinta Jacaylka adduunka waxayna is fareen in maalintaas la is dhaafsado ubaxyo, salaamo iyo hadiyado qaali ah.
Haddaba haddii nin gaal ah oo baqtiyay maalintaas la xusayo, ayna asteeyeen dad gaalo ah oo falal anshax xumo ah uu u jideeyay, Soomaaliyey anagoo ah ummad 100% Islaam ah ma mudan tahay in la xuso maalintaas oo loo dabaaldego ninkaas gaalka ah ee baqtiyay?.
Waxaa muhim ah inaynu ka soo horjeesano tallaabo kasta oo ay qaadaan ama go’aamiyeen Kiristaanka iyo Yahuudda, waxaadna ogaataan in qof waliba cidda uu shabaho ama dhaqankooda uu ku daydo uu ka mid noqonayo amaba uu la mid yahay.
Ogow Ummadaha islaamka waxa ay leeyihiin maalmo ay si gooni ah u xusaan sida: maalinta Iida Ramadaan, Iidul Adxaa iyo asbuuc kasta maalinka Jimcaha oo shaqada iyo waxbarashada aan la aadin xitaa dugsiyada Qur’aanka ayaa la iska fasaxaa maalinkaas, wixii maalmahaas ka soo hara ciddii u dabaaldegta way xadgudubtay, marka ogaada wax kasta oo Bidca ah waa baadi, baadi kastaana Naarta ayaa lagu galaa ee qof walbow ka fogow ku dayashada Gaalada iyo dhaqamada xunxun ee laga soo min guuriyay Kirishtaanka.